XISAABIYAHA GUUD EE QARANKA OO KORMEER SHAQO KU TAGAY WASAARADDA GAASHAANDHIGGA IYO TALISKA CIIDANKA XOOGGA DALKA

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, ayaa maanta kormeer booqasho iyo indha-indheyn iskugu jira ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.


Xisaabiyaha waxaa halkaas ku soo dhaweeyeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Agaasimaha Guud iyo Hoggaanka Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.


Xisaabiyaha wuxuu indha-indheyn ku soo sameeyay dhismayaal horumarineed oo ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska CXDS.

Scroll to Top