Masuuliyiin uu hoggaaminaayo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubaland.
Wafdiga Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan kusoo dhaweeyey Xisaabiyaha Guud ee Jubaland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Jubaland, Maxamuud Cabdi Axmed, qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda.
Ujeedka wafdiga Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ayaa ahaa sidii loo wanaajin lahaa loona xoojin lahaa xiriirka Xisaabiyaha Guud ee qaranka uu la leeyahay maamulka Jubaland iyo maamul kale ee Dalka, si loo hormariyo wada shaqeenta Dowladda Dhexe iyo maamul Goboleedyada.
DHAMMAAD






