Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Mudane Abdirahman Mohamed Anas iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo kulan booqasho iyo is barasho ah ku tagay Wasaaradda Maaliyadda Jubaland.
Xisaabiyaha Guud waxaa soo dhaweyn iyo kulan isbarasho ah u sameyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubaland iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
Kulanka Xisaabiyaha Guud oo ahaa mid isbarasho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Jubaland iyo xubno kale.
Ugu dambeyntii Xisaabiyaha Guud Mudane Anas ayaa ka mahadceli soo dhaweyntii diiraneyd ee loo sameyey.
DHAMMAAD




