Office of the Accountant General

MADAXWEYNAHA JUBALAND OO CASUUMAY CASUUMAY XISAABIYAHA GUUD EE QARANKA.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa casuumay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda Jubaland, Hantidhowrka Jubaland, Xisaabiyaha Guud ee Jubaland iyo masuuliyiin kale.


Madaxweynaha ayaa si maqaam sare leh u soo dhaweeyay masuuliyiinta oo ugu horeeyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka mudane Abdirahman Mohamed Anas, soo dhaweyn ka dib waxaa layska wareystay xaaladaha guud ee dhaqaalaha wadanka iyo sidii lagu hormarin lahaa.


Ugu dambeyntii Xisaabiyaha Guud mudane Anas ayaa kaga mahadceli madaxweynaha casuumaada uu u fidiyey iyo soo dhaweenta diiran loogu sameeyey caasimada kumeelgaarka ah ee Jubaland Kismaayo.


DHAMMAAD

Scroll to Top