LABADA GOLE EE BAARLAMANKA JFS OO ANSIXIYAY XISAAB XIRKA SANAD MAALIYADEEDKA 2022.

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka wuxuu u mahad celinayaa labada gole ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2022.

Sidoo kale, waxaan u hambalyeyneynaa Xukuumadda Dan Qaran uu hogaamiyo Mudane Ra’iisul Wasaare Hamze Abdi Bare iyo Golihiisa Wasiiradda ee horey u ansixiyey xisaab xirka 2022.
Xisaab xirka waxa uu ka mid yahay hanaanka, hufnaanta iyo Dowlad wanaaga.
Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka waxaa sharaf weyn u ah in lameelmariyo xisaab xirka 2022.

Haddaba, Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, marlabaad iyo mar saddexaad wuxuu u mahad celinayaa labada aqal ee Baarlamaanka JFS sida wanaagsan ay waajibaad kooda uga guteen xisaab xirka 2022.

Scroll to Top