Office of the Accountant General

XISAABIYAHA GUUD EE DOWLADDA OO HORGEEYEY GOLAHA WASIIRADA JFS WARBIXINTA SANAD MAALIYADEEDKA 2022.

Muqdisho, Oktoobar 26, 2023; Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, ayaa horgeeyey golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixinta sanad maaliyadeedka 2022 oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha wadanka.


Akhrin iyo falanqeyn dheer kadib golaha ayaa ansixiyey warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2022 ee uu soo gudbi Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane Anas. Xisaab xir si rasmi ah loo horgeeyo Golayaasha Dowladda waxaa wadanka ugu dambeysey sanadkii 2017 kii.


Xisaabiyaha Guud ee Dowladda wuxuu mar waliba u taagan yahay dardargelinta iyo nidaaminta dhaqaalaha oo wadanka ahmiyad gaar ah u leh.


DHAMMAAD

Scroll to Top