KULANKA AQOONKORORSIGA HAY’ADAHA DOWLADDA

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan aqoon kororsi ah kaasoo loo qabtay mas’uuliyiin ka socday hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Aqoon kororsigaan ayaa socon doono muddo hal isbuuca ah, waxaana lagu baran doonaa dhaqangelinta sharciga maareynta guud ee maaliyadda Iyo xeerka maareynta Guud ee maaliyadda gaar ahaan warbixin maaliyadeedka iyo falanqeynta xisaabaadka dowladda ee saddex biloodlaha, aqoon kororsigan waxaa bixinaya khubaro ka tirsan Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaranka.

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ayaa kula dardaarmaay ka soo qeyb galayaasha in ay ka faa’iideystaan muddada uu socdo aqoon kororsiga, isla markaana ay ilaaliyaan mas’uuliyadda iyo waajibaadka saaran, ammanada ay umadda Somaaliyeed u hayaanna ay u ilaaliyaan si xilkasnimo ku jirto.

Ujeedka aqoon kororsigan ayaa ah mid looga gol-leeyahay in kor loogu qaado tayada xirfadda aqooneed ee howl-wadeennada kala duwan ee hay’adda si loo xoojiyo isla xisaabtan iyo hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Scroll to Top