Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Mudane Abdirahman Mohamed Anas ayaa shir-gudoomiyey shir gaar ah oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Xisaabiyeyaasha idman ee ka howl gala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda Muqdisho iyo xarumaha kale ee Kastamyada.
Shirka ayaa ahaa mid wax badan looga arrinsaday laguna kala tala qaatay shaqooyin hortabin u leh horumarinta iyo hagaajinta dhaqaalaha dalka.





