Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka iyo Xiriirka Xisaabiyeyaasha Guud ee Afrika (AAAG) ayaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay tababar heer caalami ah oo ku saabsan “Best Practice in Project Accounting for the Public Sector.” Tababarka waxaa si rasmi ah u furay Xisaabiyaha Guud, waxaana ka qeyb galay Xisaabiyaha Guud ee Gobolka Banaadir, isuduweyaasha mashaariicda, lataliyeyaasha, iyo howl-wadeenada Xafiiska Xisaabiyaha Guud.
Tababarkan ayaa xoogga saaray sidii loo horumarin lahaa maareynta xisaabaadka mashaariicda dowladda, iyadoo la adeegsanayo habraacyo hufan iyo isla xisaabtan. Ujeeddadu waa in mashaariicda horumarineed ee dowladeed loo fuliyo si waafaqsan qorshayaasha iyo yoolalka dowladda, si loo xaqiijiyo horumar iyo waxtar ballaaran.
Waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda xisaabaadka iyo maareynta mashaariicda dowliga ah.










