Office of the Accountant General

Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha

Maanta, oo ay taariikhdu tahay 30-ka April 2024, Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa qabtay tartan daahfuran oo loogu talagalay in lagu xusho Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha. Tartankan waxaa si gaar ah uga qayb qaatay hablaha ka howlgala xafiiskayaga.

Kadib tartan adag oo ay ka qeyb qaateen 6 howlwadeeno oo hawlkarnimo muujiyey, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in Sacdiyo Axmed Nageye ay ku guuleystay booskan. Sacdiyo waxay noqon doontaa Agaasimaha cusub ee Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda.

Waxaan u diraynaa Sacdiyo hambalyo iyo ducada ugu wanaagsan xilka cusub. Waxaan ku kalsoonahay in xirfadeeda iyo hoggaaminteeda ay qiimo weyn ku soo kordhin doonto Xafiiskena.

Scroll to Top